Wasaaradda A.Dibadda Itoobiya oo sheegtay inay dagaal ku dishay Qaar ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaal Culus oo ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab Degaanka Ceel-gaal ee Gobolka Hiiraan ayaa Weerarkaas waxaa ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya Ee AMISOM ka midka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo soo Xiganeysa Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegtay in Dagaalkii ka dhacay Ceel-Gaal ay ku dileen 12-ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo sheegay inay la wareegeen Hubkii ay wateen.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xalay Jidka u galay Ciidamo ka tirsan Midawga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ee Gobolka Hiiraan,waxaana halkaas ka dhacay Dagaal muddo socday.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada AMISOM ee ah in dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan looga dilay Al-Shabaab qaar ka mid ah Maleeshiyaadkooda.