Shir looga hadlayo qaabka loo mideyn lahaa Canshuuraha dalka oo Magaalada Kismaayo ka furmay+Sawiro

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya ayaa magaalada Kismaayo goor dhow ka furay shir looga hadlayo Maaliyadda oo ay ka qeyb galayaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan Dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado Dowladda Federaalka, waxaana shirkan laga soo saari doonaa Warmurtiyeed.

Dhanka kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka, waxayna xooga saareysaa sidii loo mideyn dhaqaalaha guud ahaan dalka, iyadoo dhawaan Hay’adda Lacagta Aduunka ee loo soo gaabiyo IMF ay soo dhaweysay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay Hanaanka maamul Maaliyadeed ee dalka.