Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in degaanada ku dhaw dhaw Magaalada Beledweyne ay ku sugan yihiin Al-Shabaabkii ka soo cararay duqeymaha cirka ee Soomaaliya laga sameynayo.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaabkaasi ay dhibaatooyin kala duwan u geystaan shacabka Gobolka Hiiraan.
Cismaan Muumin Garbo oo ah Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa Idaacaddaa Risaala ee Muqdisho u sheegay in ay sameynayaan howlgaladii ay Al-Shabaabkaasi ugu hortagi lahaayeen.
Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab dagaal lagu qaadi doono ayna diyaarsan yihiin ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.