DAGAALKA QABOOW EE TURKIGA IYO UAE MUXUU U DHIMI KARTAA NABADDA SOOMAALIYA?

Dowladda Turkiga waxay NATO ku biirtay mudo hada laga joogo 65 sano, Nato iyo Turkiga xiriirkooda ma ahayn mid sal adag ku taagan waligiis. Sababta uu Turkiga ugu biiray Nato waxaa ugu wayneyd cabsida uu ka qabay markaas Ruushka. Markastna Turiga wuxuu shaki ka qabay haduu Ruushka ku soo doolo inuusan caawinaad ka heleeynin dowlada America oo ahayd mida uGu xooga badan Nato.

2008 Dowladda Turkiga waxay sameeysatay siyaasad cusub oo aykaga madax-banaanaaneeyso inay difaaceeda uu ku tiirsanaado dowlad kale, waxay gaartay go’aan ah inay difaaceeda u madaxbanaanaato oo aysan ku tiirsan dowlad kale. Siyaasadaas waxay Turkiga u ogolaatay inuu noqdo xoog military oo ka muuqda gobolka iyo Yurub.

Dowladda Turkiga waxay siyaasadaasi u sahashay inay Africa soo gasho kana furato saldhigii ugu waynaa uguna horeeyay Somalia September 30, 2017. Tani waxay cabsi gelisay dowlado badan, waxayna go’aan ku gaareen in Turkiga laga saaro Soomaaliya tasoo loo soo wakiishay Dowlado Carbeed qaasatan Emirates. Waxaa kaloo ayadana xasuusin mudan inqalaabkii lagu doonaayay in lagu afgambiyo President Erdogan lagu eedeeyay in Dowladda Emirates ay bixisay lagac gaareeysa 3 billion dollar, taas waxay keentay in xiriirka ka dhaxeeyay labadaas dowladood uu manta taagan tahay meeshii ugu xumad.

Waxaa kaloo ayadana jirta markii ay dhaceen khilaafkii dowladaha Khaliifka uu Turkiga difaacay Qatar ciidan xoog badana u diray, waxaa kaloo adana jirta arintii Qudus markuu ku casuumay dowladaha Islaamka Isbanbul si ay go’aan adag uga qaataan arintaasi dowladaha aan ogolaanin casuumadaas waxaa ka mid ahaa Sacuudiga, Masar iyo Emirates oo ka baaqday.

Hadaba, dagaalkaan siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladahaasi Soomaaliya waqtigaan ma xamili kartaa? Waxaan walaalaha Soomaaliyeed xasuusinayaa in siyaasada ka dhaxeeysa dowladahaasi aysan sameeynin walaaltinimadooda iyo deganaashaha siyaasadeed ee dalkooda oo at eegtaan danta dalkooda ama maslaxadooda,.

Wa Bilaahi Towfiiq.

W/Q: Sheekh Nuur Abukar