Wasiirka Amniga oo ku dhawaaqay in Muqdisho laga mamnuucay Shirar aysan ka warqabin Dowladda.

Maxamed Abuukar Isloow Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirar aysan ka warqabin Dowladda Soomaaliya in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga ayaa sheegay inaan marna la aqbali doonin in Muqdisho lagu qabto nuuc walba shir aan ogolaansho looga heysan maamulka G/Banaadir iyo wasaaradda amniga Soomaaliya,cidii ku qabatana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Dhanka kale wasiirka amniga ayaa uga digay Milkiilayaasha iyo maamulayaasha Hotelada Muqdisho inaysan marti gilin shirarka ka dhan ah Dowladda iyo Guud ahaan shirarka aan fasaxa loo heysan ee ka dhaca G/Banaadir.