Sarkaal Boolis ah ka badbaaday Qarax lagu xiray Gaarigiisa

Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa ka bad baaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa oo yaallay goob Gawaarida lagu dhaqo oo ku taalla Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Kaalinka Shidaalka Madiina ee Ajibka loo yaqaan,ma jiro qof wax ku noqday waxaana xilliga Gaariga uu qarxayay Sarkaalka u diyaariyay in la dhaqo.

Magaca Sarkaalkan ayaa lagu sheegay Kulane Cabdi waxaana oo ka mid ahaa Booliska Soomaaliya ee la shaqeeya AMISOM.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Sarkaalka uu mid ka mid ah Wiilashada Gawaarida dhaqa u diray,waxaana uu Gaariga qarxay inta uusan wiilka gaarin,iyada oo sidoo kalena aysan jirin cid wax ku noqotay.