DEGDEG: Ciidamada NISA oo weeraray guriga C/raxmaan C/shakuur

Ciidamada sirdoonka NISA ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu degenaa siyaasiga C/raxmaan C/ashakuur, iyadoo is rasaaseyn muddo socotay dhex martay ilaalada siyaasiga iyo ciidamada NISA.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseynta uu ku dhaawacmay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur kaasi oo dhaawiciisa ay qaateen ciidamada NISA inkasta oo aan la sheegin in isna lala kaxeytay Xildhibaan Xasan Macallim oo isaguna ku sugnaa isla gurigaasi.

Xildhibaan Xasan ayaa isagu ka mid ahaa labadii xildhibaan ee dacwadda uu ku oogay xeer ilaaliyaha Qaranka, waxaana degan xaaladda goobihii ay shaqaaqadu ka dhacday.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in weerarka guriga ay ciidamada NISA ku qaadeen guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ay amreen Taliye magaciisa lagu soo koobay Jaamac iyo taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Saadaq Joon.