DAAWO: WASIIRADII HORE EE HAWEENKA OO KU EEDEYSAY WASIIRADA ISPORTIGA INAY DHAQAN KA DHIGATEY AFLAGAADADA

Wasiiradii hore ee Wasaaradda Haweenka ee Dawladdii C/llaahi Yuusuf Marwo Aamino Maxamed Mursal ayaa eedeyn kulul u soo jeedisay Wasiirada Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isbortiga Dawladda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye, waxayna si carro ka muuqato u sheegtay inay kula kacday xadgudub ba’an.

Wasiir Amina Mursal oo soo bandhigtay Fiidiyow {Video} kooban ayaa uga hadashay tacadi ay sheegtay inay u gaysatey Wasiiradda Isbortiga, waxayna carrabka ku dhufatey inay u soo adeegsatey qaar ka mid ah illaalada Garoonka Cons Stadium xilli ay halkaasi ka socotay cayaartii u dhaxeysay K/Galbeed iyo Puntland, iyada oo xustay waqtiga la doonayay in la soo qabto inay biyo u qeybinaysay cayaatoyda K/Galbeed hase yeeshee ay sheegtay in lagu fashilmay.

“Xaqiiqdii Aniga ayaa Wasiirnimo uga horeeyay laakiin iguma sharafeyso, Khadiijo waxay jeceshay inay Gabdhaha oo dhan iyada kaligeed ka soo harto mana dhaceyso, Aniga iyo Iyada Muusik ayaa na loo tumi lahaa markii ay isku dayday inay i xerto balsé waan ka xishooday waxaana ku xaq dhawray xilka ay hayso” ayay tiri #Amina Mursal.

“Anigu reer Abtiyaasheed ma ihi oo meel walba ay ku haysato, waxaana kula talin lahaa inay iska deyso Aflagaada Abtiyaasheed iyo neceybka ay u qabto Hablaha Soomaaliyeed, suurta gal ma aha inay Khadiijo ku guuleysato hab dhaqanka ay caaddada ka dhigatey” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Wasiir #Amina Mursal oo ka tirsan taageeryaasha waa-weyn ee K/Galbeed ayaa hadalkeeda waxa uu yimid maalin kadib markii ay soo idlaatey cayaartii u dhaxeysay kooxdeeda K/Galbeed iyo Punland, dhanka kale Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa walli wax hadal ah ka oran Eedeyntaan loo soo jeediyay.

https://www.facebook.com/shiiqaaloow.xasan/posts/1395133397279204