Wasiirka Difaaca Maraykanka oo faah faahin ka bixiyay sababtii loo joojiyay Kaalmadii ay siin jireen Ciidanka Soomaaliya.   

Wasiirka Difaaca dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in Maraykanku ay u xanibeen kaalmada ay siin jireen ciidanka Soomaliya musuq maasuq baahsan oo ka dhex jirey hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed kaas oo muddo dheer soo socday, haatanna uu maraykanku kalsooni weyn ku qabo in la soo afjari doono arrinkan wiiqay dib u soo kabashada ciidanka.

“Waxaan leenahay Xiriir wanaagsan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay inay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi.”

 

Mr. Jim Mattis wuxuu sheegay in talabada lagu hakiyey gar-gaarka ciidamada Soomaaliya ay ka dhalatay siyaasadihii gurucnaa ee uu dhaxlay Farmaajo., balse dhanka kale wuxuu qiray in in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka.

 

Dhanka kale, waxaa lakordhiya tiradii ciidamada Maraykanka ee joogay Soomaaliya oo haatan gaaraya 500 oo askari kuwaas oo tababar iyo tayeyna u wada ciidanka xoogga dalka, waana tiro sida uu sheegay Xafiiska Maraykanka ee Afrika “Africom” aad uga badan tirooyinkii horay u joogay Soomaaliya.