Al-Shabaab oo dagaal ku dishay Wiil uu dhalay Abuu Mansuur iyo Taliye Ciidan, Dagaal ka dhacay Degaanka Abal

Wararka ka imaanaya Degaanka Abal oo 18 Km u jirta Degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in saakay ay degan tahay xaalada degaankaasi,kadib markii uu halkaasi ku dagaalameen Ciidamada Maamul koofur galbeed,oo garab ka helaya maleeshiyaad taabacsan Abuu mansuur iyo Maleeshiyada Shabaabka.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalkii shalay dhacay lagu dilay Cabdullaahi Muqtaar Roobow iyo Taliyihii Maleeshiyaadka Abuu mansuur,ninka lagu magacaabo Manuur Ganey.

Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo oo uu maalmo ka hor uu gaaray, mana jirto waxwar ah oo ka soo baxay dhanka Abuu Mansuur iyo maamulka K/Galbeed midna.