55 Sarkaal oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dowladda Soomaaliya iyo Saraaakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababar kusoo qaatay dalka Uganda ayaa maanta dib ugu ssoo laabtay Magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa muddo waxaa uu tababar uga socday dalka Uganda, waxaana ugu dambeyntii ay dalkaasi kasoo ka xeeyay Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamaddaan cusub ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadaan tirooda ay gaareyso 55 Sarkaal.

Dowladda Uganda ayaa si weyn uga qeyb qaadata tababaradda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , waxaana xusid mudan inta badan Saraakiisha ciidamada in lagu soo tababaray dalkaasi.