Shirweyne dhaliyarada Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Dibadda iyo Gudaha Dalka uga furmaya Muqdisho.

Shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliya ayaa ka dhacaya Magaalada Muqdisho, waxaana shirkaan ujeedkiisu yahay in dhalinyarada uga hadlaan arrimo dhowr ah.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qul qulaya dhalinyaro ka imaaaneysa gobolada dalka iyo dalka dibadiisa,waxaana ka qeyb galaya dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyadoo shirkaan lagu wadoinuu Muqdisho ka furmo 17- bishan lagu jiro.

Qaar ka mid ah dhalinyarada soo gaartay Muqdisho ayaa Wasaaradda dhalinyarada waxay dajisay qaar ka mid ah hoteelada ku yaalla Muqdisho, iyadoo mudada uu socdo shirka looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen marti gelinta shirka maadaama sida ay sheegeen lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay diyaariyeen dhalinyaradii gobolka Banaadir ma tali lahayd ee shirweynahaasi ka qeyb gali lahaayeen.

C/fitaax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkan ka qeyb galkiisa ay u diyaar garoobeen ayna diyaariyen dhalinyaradii matali lahayd gobolka.

Dhanka kale Shirweynahaan Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhalinyarada Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka socon doono maalmo, kadibna waxaa laga soo saarayaa sida qorshaha uu yahay war murtiyeed ay dhalinyaradu ku midaysan yihiin.