Gen. Gorod “Waan ka qeyb qaadanayaa nabadeynta Gaalkacyo”

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka uu Taliyaha uu u gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Wuxuu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka C/wali Jaamac Xuseen Gorod in ay ka go’an tahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa nabadeynta Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay socdaalka uu ku tagay magaalada Gaalkacyo in ay qeyb ka tahay dib u dhiska Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Gobolkaasi.