Ciidamada Puntland oo Howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaanka Buuraha Galgala.

Wararka ka imaanaya Buuraha Goolis degaanka Galgala ee gobalka Bari ayaa sheegayo inay halkaasi ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Ciidamada amaanka maamul Goboleedka Puntland.

Saraakiisha Militeriga Puntland ayaa sheegay inay weerareen Al-Shabaab oo damacsanaa inay weerar dhaba gal ah ku qaadaan Ciidamada Puntland laga hortagay,islamarkaana uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ayaan la ogayn ilaa iyo hada lama oga inta uu gaarsiisan yahay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dhanka kale maamulka Puntland ayaa sheegtay inay wado qorshe ay ku dooneyso in Al-Shabaab iyo Daacish ay uga saarto deeganada ay ka taliso, labadaasi koox ayaa ah kuwo ku xooggan Buuraha Gobalka Bari ee Gal-gala waxayna halkaasi ka soo qaadaan dagaalo.