Taliye Mukhtaar “Qaraxii Saakay Waxaa Ku Dhintay 18 Askari”

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, ahna taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Saakay ka dhacay Dugsiga Tababarka Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Sarreeye Guuto Mukhtaar ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhinteen 18 Askari, kuna dhaawacmeen 15 kale oo ka mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliye Mukhtaar ayaa beeniyay in ruuxa is qarxiyay uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Waxaana uu ballan qaaday in Askartii ku geeriyootay qaraxaasi Caruurtooda laga war heyn doono, isla markaana ay heli doonaan Daryeel iyo ka warqab guud.