Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo maanta loo xiray Tababar la xiriira Hogaaminta Ciidanka iyo Howlgalada gaarka ah+Sawirro

Abuun duulaha Taakuleynta Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaalieed S/Guuto Bile Maxamed Aadan iyo Abaanduulaha Qeybta 12-ka April ahna Madaxa howlgelinta qeybtaas Gen.Maxamuud Macalin Koronto, ayaa maanta Magaaladda Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil ka tirsan Qeybta 12-ka April.
Saraakiishan tababarka loo soo xiray ayaa la baray muddii tababarka u socday Isticmaal isgaarsiinta Casriga ah iyo qaabka loo fuliyo Howlgalada gaarka ah, waxaana tababarkaan bixinayey Midowga Yurub.
Gen Bile iyo Gen Koronto oo la hadlay Saraakiishaasi, ayaa kula dardaarmay inay la yimaadaan howlkarnimo, islamarkaana aqoontii ay barteen ay uga faa’iideeyaan Ciidanka, iyagoo ugu baaqay inay dhexda u xirtaan siddii dalka looga xoreyn lahaa Kooxda Al-Shabaab.