Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo Saakay ka dhacay Tugsiga Tababarka Janaraal Kaahiye Ex Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu fuliyay Nin isku soo xiray Walxaha qarxa, kaas oo dhex tagay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo loo diyaarinayay Dabaal daga Munaasabadda Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka Decemeber.

Waxaana xilligaasi Ciidamada Boolisku ay Gaardis ku sameynayeen Barxadda dugsiga Tababarka ee Janaraal Kaahiye.

Ugu yaraan 10 Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sida uu Shabelle u xaqiijiyaya sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Weli saraakkiisha Laamaha Ammaanka ayaa wada baaritaano dheeri aha oo ku aadan qaraxaasi.