Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ku dhawaaqay Goordhow Goolaha Wasiirada Cusub.

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay Golahiisa Cusub ee Wasiirada, kadib markii shalay lagu Caleema saaray magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.


Xubnaha Wasiirada ee maanta la magacaabay ayaa gaaraya 23 Wasiir iyo 9 Wasiir ku xigeen, waxaana afar ka mid ah ay ka tirsanaayeen Xukuumaddii Madaxweynaha Talada wareejiyay.
Dhanka kale Dr. Sacad Cali Shire ayaa mar kale ku soo laabtay xilkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka Yaasiin Faratoon oo Xukuumaddii Siilaanyo ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Soomaaliland.

Liiska Golaha Wasiirada ee la magacaabay Hoos ka aqriso: