Hogaamiyeyaasha Ururka iskaashiga Islaamka (OIC) oo caasimadda Falastiin u aqoonsaday Magaalada Qudus

Ururka iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa shaaciyay in Bariga Jerisalem ay tahay caasimadda Falastiin, iyagoo iska diiday go’aankii Mareynkanka ee ahaa in Qudus ay tahay caasimadda rasmiga ah ee Israel, waxayna Beesha caalamka ugu baaqeen iney ku raacaan go’aanada ka soo baxay shirkooda.


Shir deg deg ah oo ay Hogaamiyaasha Dunida Muslimka ay ku yeesheen Turkiga todobaad kadib markii madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel ayaa waxay iyagana dhamaan Aduunka oo dhan ugu baaqeen inay u Aqoonsadaan caasimadda Falastiin in Bariga Jerusalem ay tahay caasimad xoog lagu heysto.
Erdogan Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay shirka hogamiyaasha Muslimiinta ayaa dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan inay tahay “Caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin”
Madaxweynaha Erdogan ayaa Israa’iil ku Tilmaamay “dalka argagixisada”,iyadoo Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamud Cabbas uu sheegay in Mareykanka uu iska dhigay dal aan u qalmin in uu door ku yeesho geedi socodka nabadda.

Dhanka kale Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay inay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.