Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Addis-ababa oo Walaac ka muujisay Dagaalada Soomaalida iyo Oromada Ethiopia

War Qoraal ah oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan tahay khalalaasaha gacan ka hadalka ee u dhaxeeya Soomaalida iyo kuwa Oramada ee dega Ethiopia.


Bayaanka ka soo baxay safaarada ayaa sidoo kale loogu baaqay in labada qoomiyadood ay ku wada noolaadan xal deganaashiyo nabadeed lana ilaaliyo ammaanka iyo midnimada.
Dhanka kale Masuuliyiinta dalka Ethiopia ayaa waqti hore sheegay in 18 qof oo ay ku jiraan arday jaamacadaha wax ka barata ay ku dhinteen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Oromada ee u dhaxeeya Soomaalida iyo qoomiyada Oramada.