Maalin kale iyo madaxweyne Cusub madashu way bilantahay martidu way badantay, Rajadu way badantay muuqaalka dadka muxibbo ayaa ka muuqata waxa marqudha Soo Wada galay labadii madaxweyne ee xilka isku wareejinaayay Mr Siilaanyo iyo Biixi.

Hadaba kolba cida uu madaxweynuhu u xusho Inay Kala shaqeeyaan horumarinta dalka ayaa laga dhex arki karaa waxay qabankaraan iyo halka ay wax gaadhsiin karaan iyadoo aan loo eegayn cida qabiilka ay yihiin iyo gobalka ay kasoo jeedaan kaliya waxaa la dareemi karaa kartidooda iyo aqoontooda iyo waliba ta ugu muhiimsan oo ah khibrada ay u leeyihiin shaqooyinka aad u diratay (The right person for the right position).
Somaliland way Soo dhaaftay Waqtigii xukuumad xala waxay Soo gaadhay Waqtigii lasamayn lahaa xukuumad xul ah oo waxwabad oo dalka kasaarta sixir bararka iyo Kala shikiga musuqa caafimaad xumada biyo la,aanta Tayo xumada tacliinta iyo qaar kaloo badan.
Allaah Mahad Leh
Abdiqani Salaf Kaptanka.