Sheekh Mukhtaar Roobow oo galabta gaaray Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee ururka Al-Shabaab ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose oo xarun u ah Xarunta Maamulka Jubbaland.


Abuu Mansuur ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaal, Haween iyo dhalinyaro.
Socdaalka Abuu Mansuur ee Kismaayo ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro wadatashi uu la qaadanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay xilli ka wada tirsanaan jireen Al-Shabaab.
Safarka Abuu Mansuur ayaa waxaa ku wehlinaayay socdaalkiisa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo ay isku heyb yihiin Wadaadka Mukhtaar Roobow, sidoo kalena wuxuu ahaa ninkii Magaalada Xudur ka keenay bishii August.
Abuu Mansuur ayaa dhowaanahan ku sugnaa degaanada K/Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo uu kala soo hadlay sidii loo xoojin lahaa Dagaalka Al-Shabaab,islamarkaanana wax looga bedeli lahaa Istiraatiijiyada hadda lagula dagaalamayo Shabaabka.
Dhanka kale Abuu Mansuur mudadii uu joogay Magaalada Baydhabo inay isa soo dhiibeen shaqsiyaad qaab dhuumaaleysi ah uga tirsanaa ururka Al-shabaab, oo u badnaa Ganacsato, kuwaasi oo cadaadis uu saaray Roobow ay sababtay inay banaanka is keenaan, maadaama uu yaqaanay xubnaha sida qarsoodiga ah Shabaab uga tirsanaa ee magaladaasi ku sugnaa.