Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya Shirka Iskaashiga Islaamka oo Maanta ka furmaya Dalka Turkiga

Dalka Turkiga Caasimadiisa Magaalada Istanbul waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano (OIC), shirkaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweynaha dalka turkiga Erdogen.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee caaalamka ayaa shirkaasi ka qaybgalaya, iyaga oo uga hadli doona xaalada magaalada Barakeysan ee Qudus kaasi oo goor hore uu ku shegay madaxweynaha mareykanka Donald trump inay caasimad u tahay dalka isra’il.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Isniintii ka amba baxay Magaaalada Muqdisho ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkani, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa waxyaabaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkani.

Dowladda Soomaaliya ayaa 8-dii bishan bayaan ka soo saartay tallaabada Mareykanka uu Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Isr’ael ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay go’aanka uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, waxayna ugu baaqday in uu ka fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe iyo waliba caalamka intiisa kale.