Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo la dhaariyay

Xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana sidoo kale xilka ku wareejiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo.

Xafladda dhaarinta iyo Caleemasaarka waxaa ka qeyb galay dadweyne iyo martisharafta  lagu martiqaaday.

Xafladda dhaarinta Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici waxaa ka qayb gelay wufuud ka kala timid dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika.

Wafdi ka socda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ah wafdiga ugu ballaaran oo dhan 38 ruux, waxaana hogaaminaya wasiirradda caddaaladda iyo beeraha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh iyo Maxamed Axmed Cawaale.

Waxaa kaloo jira wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixakiim Cigaal Cumar.