Golaha Baarlamaanka Soomaliya oo cod buuxa ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2018-ka +Sawirro

Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2018-ka,kaddib markii kulan ay ku yeesheen Xaruntooda magaaladda Muqdisho.
Kulanka Golaha Baarlamaanka waxaa maanta shir gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad C/wali Ibraahim Muudey, waxaana soo xaadirtay 164- Xildhibaan.
Dood Xildhibaanada ka yeesheen Miisaaniyadda sanadka 2018-ka oo dhowaan Guddiga Maaliyadda warbixin ka soo diyaariyay ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ah loo qaaday.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, wuxuuna sheegay in 162-Xildhibaan ay ogolaatay, waxaa ka aamusay hal Xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu diiday.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo markii la ansixiyay ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ansixinta Miisaaniyadda, isagoo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan.
Dhanka kale Miisaaniyadda 2018-ka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar), iyadoo miisaaniyaddii hore ay ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018-ka ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63%