Deg Deg: Diyaarado dagaal oo duqeeyay Duleedka Jalalaqsi ee G/Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Duqeeyeen deegaan u dhow Degmada Jalalaqsi,waxaana la sheegay in Diyaaraduhu ay beegsadeen Fariisimo Al-Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.

Wararku waxay sheegayaan inaan la garan diyaaradahaasi dalka laga leeyhay, waxayna dadka deegaanka maqleen dhawaqa dhowr Gantaal oo ay rideen Diyaarado Dagaal, balse illaa hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay.

 

Dhanka kale ma jiro wax hadal ka soo baxay dhanka Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya eek u aadan diyaaradahaasi dagaal duqeeyay duleedka Jalalaqsi.