Wasiirka Maaliyada “Soomaaliya in laga Cafin doono Deymaha lagu leeyahay ayaan rajaynayaa”+Sawiro

Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday shir uu Magaalada Nairoobi kula soo yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta, gaar ahaan Barnaamijka Kor joogteynta Shaqada iyo Shaqaalaha ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.


IMF Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dalka ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona Madaxdii Wasaaradda ee uu hogaaminayay Wasiir Bayle ay guul dib ugula soo laabteen Dalka.
Dhanka kale Wasiir Bayle ayaa sheegay in hadii sidaan wanaaga ah loogu wado maamulka Maaliyadda Dalka ay dhici doonto in Soomaaliya laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay.