Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Ka Warbixiyay Booqasho Uu Ku Tagay Garowe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamaca Xuseen “Gorod” oo Shalay booqasho ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka Warbixiyay u jeedada safarkiisa.

Waxaana uu sheegay in Socdaalkiisa uu la xariiro kulamo gaar ah oo uu la qaadanayo saraakiisha Ciidamada  iyo Madaxda Maamulkaasi.

Taliye Gorod ayaa xusay in ay ka wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ay wado abaabulkiisa Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay hormarka ay gaartay Puntland oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejisay ku dhaawaad 2500 oo Askari, kuwaas oo ka qeyb qaadanayo dagaalka Al Shabaab.