Dowladda Soomaliya oo La Wareegtay Dhalinyarro Soomaaliyeed oo Ku Xirnaa Sechelles.

Wararka ka imaanaya dalka Sechelles ayaa sheegaya in Maxaabiis ku xirnayd dalkaasi lagu wareejiyay,iyadoo maxaabistaan oo Tiradooda gaareysay Todobo Dhalinyaro ah, waxaana dhalinyaradasi oo ku Xirnaa jaziirada Sechelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka.


Dhalinyaradaasi waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.
Maxaabiistani ayaa la sheegay in 6-ka mid ah xabsiga ku dhameysan doona dalka, halka qofka todobaad la sii dayay maadaama uu soo dhameystay mudada xabsiga lagu xukumay.
Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Xuseen Xasan Cusmaan ayaa sheegay in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.
Dr. Axmed Cali Dahiir Xeer ilaaiyaha Guud ee qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay in Maxaabiis kale khamiista ay ku soo Wajhan yihiin dalka si dalkooda ay ugu dhameystaan Xukunada u dhiman.
Wasiirka Cadaalada Xukumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaalad oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha dibada ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.