Al-Shabaab oo soo bandhigay Gaari ay sheegeen inay duqeeyeen Diyaaradaha Mareykanka+Sawirro

Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Gaari Caasi ah oo ay duqeeyeen Diyaaradaha Mareykanka, iyagoo sheegay in duqayntu ka dhacday Duleedka Degaanka Mubarak ee Gobolka Sh/Hoose.
Websetyada taageera Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirada Gaari Caasi ah oo Qudaar saaran tahay islamarkaana ay Al-Shabaab sheegeen in Gaarigaan uu Qudaar ka soo qaaday Degaanka Mubaarak oo uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho,balse Diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen.
Dhanka kale warar ayaa iyana sheegaya in gaarigaas Caasiga ah ay Duqeeyeen Diyaaradaha Mareykanka ay ka buuxeen Waxyaabaha Qarxa oo Al-Shabaab ay ku soo dhex qariyeen islamarkaana Diyaaraduhu ay sidaas ku beegsadeen gaarigaasi, mana jiro wax war oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan Duqeynta uu Xalay ka fuliyay Degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose.