Jadwalka Kulamada Wareega 16-ka Campions oo Galabta la sameeyay

UEFA ayaa goordhow shaacisay jadwalka kulamada wareega 16ka ee Champions League iyo maalinta ay koox walba ciyaari doonto wareega 16ka oo bilaabanaya 13ka bisha Febraayo ee sannadka soo socda.


Ciyaarta xiisaha leh ee Real Madrid iyo PSG waxaa lugta hore lagu qabanayaa garoonka Santiago Bernabeu iyadoo la ciyaari doono 14-ka bisha Febraayo, halka lagu labaad ee ka dhaceysa caasimada Faransiiska la dheeli doono 6-da bisha Maarso.
Kulanka kale ee ugu adag wareega 16-ka waa marka ay lugta hore Stamford Bridge ku kulmaan kooxaha Chelsea iyo Barcelona iyadoo lugta hore la dheeli doono 20-ka bisha Febraayo halka lugta labaad oo ka dhici doonta Camp Nou la ciyaari doono 14-ka bisha Maarso.
Kooxda Juventus waxay lugta hore ee wareega 16-ka ay soo dhaweyn doontaa kooxda Tottenham 13-ka bisha Febraayo iyadoo lugta labaad oo ka dhici doonta Wembley Stadium la ciyaari doono 7-da bisha Maarso.
Manchester United kulanka lugta hore ee wareega 16-ka waxay u safreysaa Sevilla taariikhda marka ay tahay 21-ka bisha Febraayo iyadoo lugta labaad ee ka dhaceysa Old Trafford la dheeli doono 13-ka Maarso.
Kooxda Bayern Munich waxa ay lugta hore ee wareega 16-ka soo dhaweyn doonta Besiktas 20-ka bisha Febraayo halka lugta labaad la dheeli doona 14-ka bisha Maarso.
FC.Porto iyo Liverpool waxay lugta hore ku kulmi doonaan Portugal iyadoo la ciyaarayo 14-ka bisha Febraayo halka lugta labaad oo Anfield ka dhaceysa la ciyaari doono 6-da bisha Maarso.

Jadwalka Kulamada Wareega 16ka Champions League :