Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo Fariisimo cusub ka samaystay Wadada u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo Afgooye

Waxaa la soo sheegayaa in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed la dejiyay inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Ujeedka Ciidamadaan loo dejiyay halkaasi ayaa lagu sheegay iney tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka Kooxda Nabad diidka ay ka geystaan inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolkaasi.
Gen. C/llaahi Cali Caanood Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Cudutyo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka kula hadlayay goobta la dejiyay ayaa kula dardaarmay ineysan baari karin gaari dad shacab ah ay saaran yihiin lana hadli karin shacabka,balse ay xil iska saaraan sidii dhibaatooyinka kooxaha nabad diidka halkaasi ka geystaan looga maareyn lahaa.