Jaamacadda Carabta oo soo jeediyay in Xariirka loo jaro Mareykanka

Shirkii ay yeesheen wasiiradda arrimaha dibbadda Jaamacadda Carabta ayaa Go’aanadii ka soo baxay waxaa ka mid ah in dawladaha Carabtu ay xanibaad dhaqaale saaraan dawlada Maraykanka haddii aysan ka noqon aqoonsashada magaalada Qudus ay u aqoonsadeen caasimada Yahuuda

.
Gebran Basiil Wasiirka arrimaha dibbadda dalka Lubnan ayaa sheegay inuu u soo jeediyay dawladaha Carabta inay qaataan go’aan adag oo ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo Donald Trump si cadaadis loogu saaro inuu ka laabto in Qudus u aqoonsaday caasimada Israel.
Wasiirkaan waxaa uu sheegay in shirkii wasiiradda arrimaha dibbadda ee Qahira ka dhacay lagu soo hadal qaaday suurto galnimada in dawlada ku jira jaamacadda Carabta ay xiriirka dhaqaale u jaraan Maraykanka oo ay xanibaad dhaqaale saaraan.
Sidoo kale wasiiradda arrimaha dibbadda dalalka Masar iyo Qatar ayaa iyana sheegay inay qaadayaan tilaabo kasta oo ay Maraykanka cadaadis ku saari karaan.
Axmed Abul Qeyt Xog’hayaha guud ee ururja jaamacadda Carabta ayaa sheegay in cawaaqib aan la mahdin uu ka dhalanayo go’aankii uu Arbacadii hore qaatay Madaxweynaha Maraykanka wuxuuna Golaha ammaanka ee Q,M ka codsaday in go’aankaasi diidaan.
Dhanka kale Xog’hayaha guud ee ururka jaamacadda Carabta Abul Qeyt ayaa sheegay in Qudus ay u aqoonsan yihiin Caasimada Falastiin, Wasiiradii ka qaybgalay kulankaasi waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.