Aqalka Sare oo Cod buux ku ogolaaday Xubin ka mid noqonaya Gudigga Dib-u-eegista Dastuurka KMG ah

Kulan ay isugu yimaadeen Aqalka sare ayay cod u qaadeen Xubin ka mid noqonaya Gudigga Dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, waxaana codka kalsoonida siiyay 29 Mudane AVV. Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.


Abshir Bukhaari Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ayaa sheegay in sirasmi ah AVV.Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.
Ansixinta xubnaha Golaha Aqalka sare ee dalka Kadib ayaa halkaasi lagu dhaariyey Muumino Sheekh Cumar oo ka mid noqotay Guddiga qaabilsan Arrimaha dastuurka.
Gudoomiyaha Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa Guul ku tilmaamay in Gudigoodu hello qof aqoon dheer u leh Arrimaha Dastuurka.
Dhanka kale waxaa Golaha Aqalka Sare hortagay oo Warbixin laga dhageystay guddoomiyaga Gudiga dib-u-heshiinsiinta Qaranka, Ismaaciil Macalin Muuse.