NINKII DIB U XUREEYAY QUDUS

Salaxu diin, ma aheeyn Carab.

Intii uu ku jiray dagaalkii Dib u xureeynta Qudus ,hal mar kuma seexan firaash, mar kasta waxa uu ku dul hurdi jiray marba mid ka mid ah faradihii uu ku dagaalami jiray. Markii la yiri: Sayid Salaaxu diinoow waad daashashay ee soo dag oo firaash ku jiifo. Waxa uu yiri: Hadalkiisii caanka ahaa oo macnahiisu ahaa (Ma rabo ALLAAH in ay u muuqto, Salaaxu diin oo jiifa iyada oo gaaladiina Qudus heeysato).

Al-Nasir Salah ad-Din Yusuf ibn Ayyubi (1137 – 1193), waxa uu ku dhashay magaalada Tikrit, waxaana lagu aasay masjidka Umayyad ee magaalada Dimishiq March 4, 1193, asaga oo 56 jir ahaa, waxa uu xukunkiisii ku fidiyay: Masar, siiriya, Ciraaqda sare, Xijaz, yaman iyo qayba ka mid ah waqooyiga Afrika, kadibna dhulkii reer falastiin.waxa uuna ka tagay 7 will oo kala ahaa: Othman, Daud, Muscuud, Afdal, Yaqub, zahir, iyo Ishaq.

Mudda laga joogo in kabadan 800 sanno ayuu noolaa,waxa uuna go’aansday in uu xureeyo Qudus, dagaala badan oo ay dhibaato ka soo gaartay kadib, waxa uu go’doomiyay magaaladii waxa uuna kala dooran siiyay gaaladii, in dagaalku sii socdo iyo in ay is dhiibaan si go’doonka looga qaado,lana amaan galiyo ugu dambeeyn bishii July 4,1187 ayuu jabiyay masiixiyiintii oo uu ka dilay tiradii ugu badneed taariikhdooda oo dagaal uga dhimata , boqorkii iyo ciidama badan ayuu dilay.waxa uuna soo af jaray 88 sanno oo masiixiyiintu ay xakumayeen Qudus

Waxa uu xureeyay badanaa gaaladii waayeelka aheed, garoobadii ragoodu dagaalka ku dhintay iyo caruur badan oo wada masiixiyiin ahaa, bacdamaa masiixiyiintu ay dadka muslinka ah iyo yahuudaba ay isku si u qali jireen waxa ay ka baqayeen in uu ku aar gudsan doono in uu goowraco,taasi ma dhicin,waxa uu siiyay muddo 40 cisho ah in masiixi kasta uu ku aado wadankii uu ka yimid.waxa uuna u diyaariyay cidan sii galbiya si nabadgalyadooda loo sii suggo.kuwii dagaalamayay ee la qabtay, waxa ay ku dambeeyeen suuqa adoonta,Ragga 10 diinaar, haweenka 5 diinaar , caruurtana 1 diinaar.

Waxa uu u ogolaaday in yahuudo tagi karto macaabidyadooda, magaalada waxa uu qabsaday maalin Sabti ah, Axadiina waxaa uu u ogolaaday in kaniisadahoodii ay furtaan.taa oo muujineeysa xuriyda caqiidada iyo dadka laga tirada badanyahay sida islaamku u dhowro haddiiba ay nabad kugula noolaanayaan oo iyaga laga nabad galayo.

Madaxda dowladuhu ma ka fekereen,Arrinta qudus ma ahan arrin saameeynee in kabadan Halka billion oo muslimiinta ah oo kaliya ee xiriirka ummadaha caalamka oo dhan ayeey ku yeelan karyaa saameeyn culus.

FG: Ogoow Qudus ma ahan magaala Carbeed ee waa magaala Muslim, Ogow Salaahu Diin Carab ma aheeyn ee waxa uu ahaa KURDI Muslim ah.

Yaana kugu badin taariikhdaa oo qoraala badan aan ka ururiyay,iyo waajibka naga saaran Qudus muslim ahaan,waa arrin adiguba aad fahmi karto, go’aankaaga adigaa iska leh.Afkaaga, Gacantaada iyo Uurkaaga xor ayaad u tahay.

Ummadaha kale xaqooda iyo xaqaaga kala garo…dhulkaaga, dhalyadaada ,dheeftaada, dhiigaaga iyo wixii Alle ku dhahay ku dhaqaaq Dhaxdhaxaad ma laga naqdaa?.

wixii aan ku qaldamay iga sax, waadna ku mahadsantahay, aragtidaada.

Qore: Yahya Amir