Maleeshiyaad ka wada tirsan Al-Shabaab oo ku dagaalmay Gobalka Gedo.

Wararkaka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal culus oo u dhaxeeyo Maleeshiyaad Al-Shabaab ka wada tirsan inuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-Cadde oo ku yaala duleedka degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo.

 

Aqbaaraadka laga helaayo dagaalkaasi ayaa la soo sheegayaa inuu u dhaxeeya Sarkaalka Al-Shabaab ugu sareeyo ee Gobalka Gedo oo magaciisa lagu soo koobay Fiidow iyo Ciidamo kale oo shabaab ka tirsan waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Wararku waxay sheegayaan in mudooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf ka dhax taagnaa Al-Shabaab iyo Sarkaal gadood ka sameeyay oo ku sugnaa Deegaanka Ceel Cadde ee Gobalka Gedo.
Arrintaan dagaalka ayaa yimid kadib markii saraakiil ka tirsan Al-Shabaab lagu amray inuu soo wareejiyo Hubka iyo Gaadiidka ciidanka uu haysto, waxaana amarkaasi bixiyay Taliyaha Maleeshiyada Shabaab ee Gobolkaasi ee lagu magacaabo Fiidow.
Dhanka kale Dagaalkaasi ayaa la cadeeyay inay ku dhinteen ilaa 5- ruux oo ka wada tirsan labada dhinac, khilaafkaan ayaa cirka isku shareeray, waxayna labada dhinac hadda u muuqdaan kuwa weli isku ciil qaba oo is gaad gaadaya.