Jaamacadda Carabta oo shir Deg Deg ah ka yeelanaya arrinta  Magaalada Qudus

Maanta waxaa ka furmaya Magaalada Sharmal-Sheekh ee Dalka Masar shir ay isugu imaanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta,waxaana Shirkaas uu yahay mid looga hadlayo Go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu Magacaabay Magaalada Qudus inay noqoto Caasimadda Israa’iil.


Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka mida Wasiiradda ka qeyb galaya Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inuu Shirka Qudbad ka jeediyo iyo Go’aanka Soomaaliya ay qaadatay in Mareykanka uu ka dhigo Qudus Caasimadad Israa’iil.
Dhanka kale Wasiirada ka qeyb galaya shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ayaa la socday Madaxweynaal ku shiray Magaalada Sharmal-Sheekh ee Dalka Masar kuwaa oo ka qeyb galay Shirka Ganacsiga Afrika ee Magaaladaasi ka qeyb galay.