Iska hor imaad qasaare geystay oo ka dhacay Degmada Hodan

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Iska Hor Imaad khasaaro geystay waxa u ku dhexmaray Nawaaxiga Isgosyka Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Iska Hor Imaadkan ayaa yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta ay damceen in goobo Dowladeed ay ka saaraan Ciidamo milateri ah oo dagan Warshadii hore ee Kooka Koola Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku dhintay Israsaaseyntaasi, tiro ka badana way ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Maamulka Degmada Hodan iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa ku baxay xiisada, iyadoona weli ay is hor fadhiyaan dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Ciidamada Xasilinta iyo kuwa milateriga ee Dowladda ayaa inta badan isku dhacyo xoogan waxa ay ku dhex maraan gudaha Muqdisho, taas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.