Al-Shabaab oo Weerartay Saldhiga Ciidamadda Puntland ku lahaayeen Deegaanka Af Urur

Wararka ka imaanaya Deegaanka Af-Urur ee Duleedka Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ku yaalo Saldhiga Ciidamada Puntland ay leeyihiin.


Dagaal halkaasi ka dhacay ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jira khasaaro soo kala gaaray Al-Shabaab iyo Ciidamadda maamulka Puntland ee ku sugnaa saldhiga Af-Urur.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka puntland oo loogu hadlayo dagaalka ka dhacay deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan deeganadda Maamulka Puntland xilli labo maalin ka hor qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug lagu dilay Cali Magafe oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Puntland.