Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya xiisadda ka dhalatay Magaalada Qudus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa maanta lagu wadaa in kulan deg deg ahi ay ka yeeshaan carrada xooggan ee ka dhalatay aqoonsiga uu Mareykanku Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa si adag loogu eedeeyay inuu dhegaha ka fureystay baaqii ahaa, inaanu Qudus u aqoonsan Caasimadda Dowladda Israel.

António Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegay in go’aan kasta oo si gooni ah loo qaato uu halis gelinayo nabadda, waxaana uu ku baaqay in xaaladda Qudus lagu xaliyo wadahadalo dhex mara Falastiin iyo Israel.

Wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa Sabtida berrito kulan deg deg ahi ka yeelanaya tallaabada uu Donald Trump Magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku baaqay shir inay isugu yimaadan dowladaha ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka, maalinta Arbacada, si looga hadlo go’aanka Xukuumadda Washington ee Qudus.

Dhanka kale Dunida Muslimka iyo Wadamada Reer Galbeedka, ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanku ku sheegay in Qudus ay tahay Xarunta Israel, sharci dejiye-yaasha Mareykanka, ayaa sanadkii 1995-kii saxiixay sharci Mareykanka u ogolanaya inay Safaaradeeda Israel u wareejin karto Magaalada Qudus, ha yeeshee tan iyo xilligaa Madaxweyne-yaashii Mareykanka soo maray dib u dhigi jireen arintaasi.