Ciidamada Kenya oo dilay Sarkaal la sheegay inuu Al-Shabaab ahaa.

Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa saakay toogasho ku dilay Ali Khamisi Mtsomo, oo ku eedeeysnaa falal Argagixisanimo, kaasoo ay in muddo ah ku raad joogeen laamaha ammaanka Kenya.

KENYA-ATTACKS

Booliiska Kenya ayaa la sheegay in Ninkan ku dileen isagoo xiligaasi ku sugnaa degaan lagu Magacaabo Likoni, waxaana la sheegay in ninkaasi isku dayay inuu la dagaallamo Booliiska, wuxuuna Seef uu sitay ku dhaawacay mid ka mid ah Saraakiisha Boliiska, ka hor intaan la dilin.

Mtsomo, ayaa la tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Ururka Al-Shabaab ee uu fadhigiisu yahay Soomaaliya, isagoo la sheegay inuu dhallinyaro badan oo ka soo jeedda Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah uu u qoray inay ka mid noqdaan kooxda Daacish.

Dhanka kale Booliiska Kenya ayaa sheegay inay ka hortageen shaqsiyaad doonaayay inay weeraro ka gaystaan Gudaha Kenya, waxaana ninkaan la dilay ku dhuumalaysanayay guri ku yaala Magaalada Mombasa.