Banaanbax lagu diidan yahay Go’aankii Maraykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel oo maanta Muqdisho ka dhacay

Dadweyne aad u fara badan oo ah dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta Salaadii Jimcaha kadib Banaanbax ka dhigay qeyboka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgoyska Zoobe, kuwaas oo aad u cambaareeyay go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimada dalka Israel.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qorneyd Erayo ka dhan ah Dowladda Maraykanka iyo Maamulka Israel, iyagoo ku dhawaaqayay erayo muujinaya qiimaha ay Muslimiinta u leedahay Qudus.

Dibadbaxayaasha ayaa Dunida Muslimka ayay ugu baaqay in loo midoobo Difaaca Qudus, hadii aan la iska kaashana ay noqon doonto dhabar jab xoog leh oo soo wajaho Muslimiinta Caalamka.

Culumo uu ka mid yahay Sheekh Cabdi Xayi ayaa la hadashay Banaanbaxayaasha, wuxuuna sheegay in Qudus oo Israel Caasimadda u noqoto ay tahay dhamaadka Muslimiinta, qof kasta oo Muslim ah ayuu sheegay inay waajib ku tahay Difaaca Masaajidka Al-Aqsa iyo Qudus.

Dhanka kale waxaa banaanbaxyo xoog leh ay ka dhaceen meelo badan oo ka mid ah Dunida Islmaamka, waxaana sii kordhaya Carada ka dhalatay go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israel.