Wasaaradda Amniga: “Howlgalada Amniga Caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada Dalka lagu xaqiijinaayo meel wanaagsan ayay..”

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda Amniga Dalka.


Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso Howgalada laamaha Amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
Wasiirka ayaa soo hadal qaaday inay wax badan ka hirgaleen Qodobadii ka soo baxay shirkii London ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Hogaamiyaasha Dalka.
Dhanka kale Wasiirka Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale xilli Magaalada Muqdisho uu ka soconayo shirka looga hadlayo Amniga Dalka oo uu furay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayna ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe.