War-Murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii amniga ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

Shirka Amniga Qaranka oo Madaxweeynaha Soomaakiya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu shalay ka Furay Magaladda Muqdisho ayaa Maanta lasoo Gabangabeeynayaa iyado isla shalayba la soo saaray War murtiyeedkii shirka.


War Murtiyeedka la soo saaray wuxuu sheegayaa in Dib u habeeyn lagu sameeyo Qaybaha Amniga ee Dowladda Faderalka iyo Saaxiibadda Soomaaliya Amniga ka Taageera ay tahay Ahmid weeyn islamarkaana ay qayb katahay Horrumarro laga sameeyay Qodobadii ka soo baxay shirkii London.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Idacadda VOA-da u sheegay in Dowladda Soomaaliya lagu amanay sida ay u hirgalisay Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee ka soo Baxay shirkii London oo ay ka mid ahayd isku dhafka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadda.


Ka Qayb galeyaasha Shirka Amniga Soomaaliya ayaa waxaa ay ku Hishiiyeen Sadax Qodob oo Mudan in la siiyo Mudnaanta Koowaad, sadaxdaas Qodob ayaaa waxay ahaayeen:

  • In la fuliyo Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka.
    In si deg-deg ah loo horumariyo Qorshaha kala guurka oo kusaleysan
  • Waqti Cad si Masuuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.
  • In la sii wado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.

Shirka xiga ee Amniga Qaranka Waxaa lagu bar-bar qaban doonaa Shirka Golaha iskaashiga Soomaaliya ee dhici doona Bartamaha Sanadka soo socda ee 2018.

Xoreynta Deegaanadda ay maamulaan Al-Shabaab iyo isku dhafka ciidamadda Dowladda ayaa ah Qodobo muhiim ah oo Dowladda Soomaaliya ay beegsaneeyso sanadka soo socda ee 2018.

Dhanka kale Qeybta labaad ee shirka oo maanta ka socda Muqdisho ayaa diiradda lagu saaraya arimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda halka shalayna laga hadlay oo kaliya arimaha Ciidanka iyo amaanka Soomaaliya.