Shariif Xasan oo diiday in ciidanka AMISOM ay kabaxaan soomaaliya, sababta maxay tahay?

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka sheegay Shirka Amniga qaranka ee ka socda Muqdisho in aysan ahayn in AMISOM ka baxda Soomaaliya xilligan.

Shariifka ayaa ku doodaya in Ciidan Soomaaliyeed oo dhisan aysan jirin,kuwa joogana aysan heysan Hub ku filan sidaas darteedna Ciidanka AMISOM ay wali muhiim u yihiin Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ku baaqay in aysan bixin Ciidanka AMISOM inta Ciidamada Soomaaliya laga dhisayo oo ay awood u yeelanayaan in ay la wareegaan amniga Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa 31ka Bishan waxaa ay Soomaaliya ka saarayaan 1,000 kii Askari ee ugu horreeyay oo horudhac u ah bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya,waxaana xigi doona 1,000 kale oo 31da May 2018 ka bixi doona Soomaaliya.

Shirka ka socda Muqdisho ayaa ah wajiga 2aad ee shirkii London ka dhacay 11kii May 2017kii,waxaana shirkan xoogga lagu saarayaa heerka amniga Soomaaliya iyo sida wax looga qabn karo.

Inta badan Madaxda ka hadashay shirkan ayaa isku raacay in amniga Soomaaliya uu muhiim yahay islamarkaana loo baahanyahay in Ciidanka Soomaaliya la dhiso.