Qaar ka mid ah Mas’uulyiinta Degmada Afgooye oo Dagaal sababay Dhaawac iyo dhimasho dhexmaray.

Dagaal u dhexeeya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa Goor dhow ka dhacay Magaalada Afgooye,waxaana la sheegay in isku dhaca uu geystay Dhimasho iyo Dhaawac.


Wararka ayaa sheegaya in Bartamaha Magaalada Afgooye ay kuwada Dagaalameen Qasnajiga Degmada iyo Xisaabiyaha Degmada Afgooye kadib markii uu muran soo kala dhex galay,waxaana ku dhintay Iska horimaadka mid kamid ah Shaqaalaha Maamulka Degmada Afgooye,iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Mas’uuliyiintii Dagaalamay.
Waxaa aad u kacsan Xaaladda Degmada Afgooye,waxaana Degmada laga dareemayaa Xiisadda ka dhalatay Dagaalka dhexmaray Mas’uuliyiinta ka wada tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose oo aan la ogay wixii sababay dagaalkooda.
Dhanka kale waxaa isla Degmada Maanta lagu dilay Nabaddoon Caan ka ah Degmada Afgooye oo Magaciisa lagu soo koobay Nabaddoon Ibraahim Tabliiq,waxaana la sheegay in Dilka ay geysteen Dableey Bastoolado watay, iyadoo degmadaasi maalamhaan dambe ay ku soo kordheen Falal Ammaan daro,waxaana la sheegay in la Boobay Goobo Ganacsi oo Degmada ku yaalla Habeenadii la soo dhaafay.