Gaari lagu soo xiray Walxaha Qarxa oo ku qarxay Xarunta Vila Baydhabo Ee Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho oo Fariisin u ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ka dhacay Qarax Gaari,waxaana la sheegay in Qaraxu uu ka dhacay Gudaha xarunta Vila Baydhabo.


Gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Militeriga ayaa lagu soo xiray Miino, iyadoo la sheegay in Gaarigu uu Qarxay kadib markii Sargaalkii watay uu ka dagay gudaha Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.
Ilaalada Xaruntaasi ayaa baaritaan ku samayn Gawaarida yar yar ee ay wataan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka markii ay gelayaan Gudaha Xarunta,waana sababta keentay in Gaari lagu soo xiray Waxyaabaha Qarxa uu ku dhex Qarxo Gudaha Xarunta Vila Baydhabo ee Muqdisho.
Dhanka kale ma jirto sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Vila-baydhabo wax Khasaaro ah oo uu geystay Gaariga Qarxay marka laga reebo Burburka soo gaaray Gaarigii lagu xiray Qaraxa ee uu lahaa Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka.