Dowladda Kenya oo Wacad ku martay inay Xoojinayso Dagaalka Al-Shabaab ee dhanka duqaymaha.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay inay sare u qaadi doonaan duqeynta ay la beegsaneyso dagaalyahanada Al-Shabaab oo la sheegay inay buux dhaafiyeen gobolka Gedo.


Kenya ayaa sheegay nay qaadi doonaan tilaabooyin deg deg ah, iyagoo sheegay inay suurtagal tahay in Al-Shabaab ay ka soo gudbaan gobolka Gedo, islamarkaana ay soo galaan dhulka Keynta ah ee ku yaalla Kenya.
Dhanka kale maalmhii la soo dhaafay ayay Kenya watay howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayay Guud ahaan ammaanka Xadka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dagaalyahanada Shabaab ah ay gaareen degaano ka tirsan gobolka Gedo sida uu horay u sheegay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.