Danjire Madeira “Golaha ammaanka waxaan ka codsanaynaa inay na siiyaan waqti dheeraad ah, si aan Al-Shabaab uga saarno..”

Wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee arrimaha ammaanka looga hadlayo inay Golaha ammaanka ka codsanayaan inay siiyaan fursadii ugu dambeysay ee ay Al-Shabab kaga saarayaan meelaha ay Soomaaliya ka joogaan.


Danjiraha ayaa sheegay in ciidamada ka socda midawga Africa ee AMISOM ay u baahan yihiin inay helaan waqti dheeraad ah oo ay ku fuliyaan howlgal noqon doona mid ay Al-Shabaab uga saarayaan gobolada ay hadda ka maamulaan Soomaaliya markaa kadibna loo gudbi doono in shaqada sugida amniga ay la wareegaan ciidamada ammaanka Soomaaliya.
“Golaha ammaanka waa inay fursadii ugu dambeysay noo siiyaan ciidamadeena AMISOM taasoo aan ku doonayno inaan Al-Shabaab kaga saarno meelaha ay joogaan” ayuu yiri wakiilka ururka midawga Africa ee arrimaha Soomaaliya.
Dhanka kale Wakiilku wuxuu sheegay in shirkaan uu bilow u yahay qorshe la doonayo in ciidamada Soomaaliya la wareegaan mas’uuliyadda sugida ammaanka dalka ayagoo kala wareegaya kuwa AMISOM.