Qaraxii Zoobe dadkii ku geeriyooday oo tiradooda sare u kacday, lana sheegay inay gaarayaan in in ka badan 500-oo ruux.

Warbixin soo baxaysa ayaa muujinaysa in dhimashadii ka dhalatay Weerarkii Gariga Xamuulka ah loo isticmaalay ee Muqdisho ka dhacay 14 kii October inay gaartay 512 Qof, sida ay Daabaceen Qaarka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah oo soo xiganaya Guddigii Baarayay Musiibadaasi.


Tiradda Dhimashadda ayay Dowladda Soomaaliya ku shegtay markii Hore 358 taasi oo ahayd Tiradii ugu badnayd ee mar qur ah ku dhimatay Hal weerar, Taariikhda Soomaliya.
Weerarkii 14 kii October ma jirin cid sheegatay, hase ahaatee Masuuliyiinta Dowladda ayaa ku eedeeyay inay fuliyeen Al-Shabaab oo Weerarro ismiidaamin ah ku qaada Xarumaha Dowladda iyo Goobaha ay Dadku k badan yihiin.
VOA Africa ayaa Daabacday in Warbixinta Gudiga ay dowladdu Heli doonto Todobaadkaan, Hase ahaate ilaa iyo hadda Ma jiro War rasmi ah oo ay Warbaahinta siiyeen Guddiga loo Xilsaaray Baarista muusiibadii Soobe.
Dhanka kale Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay Weerarkii Zoobe uga jawaabayso Guluf ay ku qaadeeyso Al-Shabaab, inkastoo aysan Dowladdu wali si rasmi ah u bilabin Gulufkii ay Balan qaaday, Hadana Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa qaaday duqaymo adag oo uu la beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku leyihiin Koofurta Soomaaliya.